Hooyo iyo Caruurteeda oo Ku Dhintay Doon Ku Rogmatay Wabiga Shabeelle!

0

Inta la xaqiijiyay 9-ruux ayaa dhimatay kadib markii ay la gadoontay dooni ay saarnaayeen oo ay wabiga ku Mareen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dadka dhintay ayaa ahaa hooyo iyo caruurteeda,kuwaasi oo ka baxay degmadda Afgooye islamarkaana doonayay in ay gaaraan Degmadda Awdhiigle ee isla Gobolkaas, madaama wadooyinka ay gooyeen fatahaadda Wabiga.

Doonta ayaa rogmatay xili ay maraysay Tuulada Raqaylow,waxayna dadka tuuladda ay sheegeen in dadkii laga soo badbaadiyey doonta rogmatay dib loogu soo celiyey degmada Afgooye oo markii hore ay ka baxeyn.

Dhanka kale Max’ed ibraahim Barre Guddomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay sida ay wax  u dhaceyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here