Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Hey’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka.
“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada”.ayuu yiri Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Bulshadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in xilligii ololaha uu ku jiray iyo khudbadiisa Musharaxnimada ee uu ka hor-jeediyay Baarlamaanka ku balan-qaaday in aan jidadka la xiri doonin, awoodda dowladdana aanay shacabka ku caburin doonin.
Maalmihii dambe waxaa baraha bulshadda qabsaday doodo ku saabsan xirnaanshaha waddooyinka Magaaladda muqdisho oo dadka meelaha qaar laga celinayo, sidoo kalena gaadiidka lagu amrayo inay kala wareegaan.


