Maamulka Gobolka Hiiraan oo ugu baaqay Laamaha Amaanka Sugida Amniga Gobolka

0

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka dowlada Soomaliya ayaa ugu baaqay dhamaan laamaha amaanka gobolka in ay adkeeyaan amaanka Gobolka inta ay ku sugan Yihiin Madaxda dowlada soomaliya,

Mudane Yuusuf axmed (Hagar yuusuf Dabageed) oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in loogu baahan yahay laamaha amaanka Gobolka hiiraan in ay adkeeyaan amaanka gobolka madaama maalmaha soo socda ay gaari doonaan Madax ka socota dowlada soomaliya oo ka qeyb galaysa aaska qaran ee loo sameynayo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shalay ku geeriyooday magaalada Beledweyne,

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka dowlada Soomaliya  yuusuf Dabageed  waxa uu sheegay in ay jiri karaan shaqsiyaad ka tirsan xarakada al-shabaab oo weeraro ka fuliya Gobolka hiiraan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here