Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay dil ka geysteen Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dilka ayaa ka dhacay Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Ragg hubeysnaa ayaa toogtay xiligii afurka kadib Gudoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmadaas, oo lagu magacaabi jirey Cabduweli Axmed Maxamed.
Qof kamid ah dadka xaafadda ayaa inoo sheegay in rag hubeysnaa ay dilka geysteen islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Dhanka kale Maamulka Degmada Warta-nabadda aynu la xiriirnay way ka gaasbadeen in ayka hadlaan arintaan.

