Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa Madaxtooyadda dalkaas kula Kulmay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmajo kadib booqasho uu ku tagay dalkaas.
Labadda Madaxweyne ayaa kawada hadlay xiriirka labada wadan iyo arrimo ay ka mid yihiin howlgalada ciidamada AMISOM ee ay dowlada Kenya door wanaagsan ku leedahay.
Sidoo kale labadda Madaxweyne ayaa kawada Hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada ee gobolka waxayna kulankooda diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee jaarka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay dadaalka ay ugu jirto dowlada Kenya inay golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kursi ku yeelato,kadib markii Uhuru Kenyata uu ka dalbaday.





