Faah-faahin:-Mid Kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada Soo Dooratay oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in xalay hoygiisa lagu dilay mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku soo dooratay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Rag hubeysnaa oo watay Mooto ayaa la sheegay in ay hoygiisa ku weerareen Marxuumka oo magaciisa aan la helin,islamarkaana ay dhowr xabadood ku dhufteen uuna goobta ku geeriyooday.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Far Leysaan  oo marxuumka deegaan ahaa uu u daganaa, sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana durbadiiba goobta gaaray Ciidamadda amaanka maamulka Jubba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here