Dowladda Kenya ayaa ka dalbaneysa qaramada midoobay magdhow dheeraad ah ciidamada dalgaalka kala soo horjeeda Xarkada Al-shabaab ee ku sugan Soomaliya.
Hadalkaan kasoo baxay mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in ay sare uqaadi doonaan magdhowga ay ka qaadayaan qaramada midoobay laga soo bilaabo bartamaha bisha July ee sanadkan hadii ciidamadeeda qeybta ah howl galka midowga Africa ee amisom.
Ku dhawaad 4,000 oo askari oo kasocda dalka Kenya ayaa ayaa kusugan gudaha soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah amisom iyadoona askari kasta oo katirsan ciidankaasi bishii mushaar ahaan uu uqaataa lacag dhan $1,028 dollarka mareykanka kuwaa oo beesha caalamka ay siiso ciidankaasi katirsan howlgalka nabad ilaalinta midowga africa ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Dhanka kale dowlada Kenya ayaa kolhore soomaaliya usoo dirtay 4,660 bishii October ee sanadii 2011kii askar katirsan ciidamada difaaca Kenya iyadoona qaar kamid ah ciidankaasi ay dib ugu laabteen dalkaasi maadaama lasheegay in waqtigii ay kujoogeyn soomaaliya uu dhamaaday.
Hadalakan kasoo baxay Kenya ee ku’aadan kordhinta magdhowga ciidankeeda kudhinta soomaaliya ayaa waxaa lagu shEegay in markii hore askari kasta ee kudhinta gudaha soomaaliya magdhow ahaan loosiin jiray qoyskisa lacag dhan 6.1 Million oo shilinka Kenya ah balse laga bilaabo bisha july ee sanadkan ay kordhiyeen lacagtaasi magdhowga ah isla markaana qaramada midoobay ay dhiibi doonaan 7.05 Million oo shilinka Kenya ah askari kasta ee ku dhinta guud ahaan soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah ciidanka amisom ee dowlada soomaaliya kataageeraya dagaalka kadhanka ah Xarakada Alshabaab.

