Madaxweyne Ku xigeenkii Maamulkii Hore ee Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada laga soo doorto Gal-mudug Khilaafka hada ka dhaxeeyo Madaxda Gal-mudug.
Cali Baashi Aadan Faarax Madaxweyne Ku xigeenkii ahlusuna oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in khilaafka ay sii hurinayaan Xildhibaanadda labadda aqal ee laga soo doortay deeganadda Galmudug.
Waxa uu sheegay in dano siyaasadeed ay leeyihiin Xildhibaanadda laga soo doortay Galmudug,islamarkaana war-saxaafeedkii ay shalay soo saareen uusan waxba ka jirin.
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa mowqif cad ka qaatay khilaafka xilligan ka dhex jira Maamulka Galmudug, iyagoo soo saaray war saxaafadeed ka kooban saddex bog oo ay ku saxiixan yihiin Aqlabiyada Xildhibaanada iyo Senatada.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada ay la kulmeen Madaxweyne Xaaf, Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo beelaha cabashada qabay.
Xildhibaanada iyo Senatara-da ayaa si cad u sheegay in qaabka loo hirgeliyay heshiiskii Jabuuti aanu aheyn si waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa..
Ugu dambeyntii Xildhibaanadda laga soo doortay Galmudug ayaa sheegay in mudada xil heynta Hey’adaha Fulinta iyo sharci dejinta ay kala egtahay bilaha June iyo July ee sanadka 2019.

