Kooxo hubeysnaa ayaa saakay dilal waxa ay ka geysteen Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir.
Dilka koowaad ayaa ka dhacay Waaxda Tima Cadde,waxaana loo geystay Nin Kuwaanle ahaa oo xiligaas u socday goobtiisa shaqo.
Kooxaha hubeysnaa ayaa la sheegay in ilaa iyo dhowr xabadood ay ku dhufteen ninka kuwaanle ahaa islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Dhanka kale kooxo hubeysnaa ayaa saakay gurigiisa Xaafadda Kaawa-godey ee Degmadda Wadajir waxa ay ku dileen Macalin Dugsi,waxaana goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilka.
Ma Jirto cid ilaa haatan shegatay Mas’uuliyadda dilalka saakay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Shalay waqti dambe kooxo hubeysnaa ayaa rasaaseeyay gaari ay la socdeen shaqaale ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya,waxaana halkaas ku dhintay xisaabiyihii Baarlamaanka Soomaliya oo lagu magacaabi jirey Cumar Dhalaxow.

