Gudoomiyihii Maxkamadda Sare oo Kasoo Horjeystay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay

0

Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkii ka qaaday ayaa kasoo horjeystay go’aankaas.

Isagoo u waramayay Idaacadda VOA-da ayuu sheegay in xilka qaadista ay tahay mid sharcidaro ah,islamarkaana isagu uu weli yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo kal qeyb sanaanta awoodaha sidaas darteedna garsoorku uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa xilka Guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here