Galmudug oo Sheegtay in Lala Xisaabtami Doono Dadka Dhaqaalaha Siiya Al-shabaab!

0

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in lala xisaabtami doono dadka dhaqaalaha siiya Xarakadda Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay dhawaan diyaarin doonto Ciidamo weerar ku qaada goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab,kuwaasi oo dad shacab ah madax furasho ahaan u haysta.

“Howl ayaa loo gudbayaa hada kadib,galmudug waxay weerar ku qaadi doontaa goobaha ay ku sugan yihiin shabaab ee dadka lagu haysto,sidoo kale galmudug waxay la xisaabtami doontaa dadka dhaqaalaha siiya Al-shabaab”, ayuu yiri Shiikh Maxamed Shaakir.

Ugu dambeyntii Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ugu baaqay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug in ay yimaadaan Magaaladda Dhuusa-reeb ee caasimadda galmudug si loo xaliyo khilaafka jira.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here