Ku dhawaad 15 qofood ayaa lagu dilay dalkaasi Liibiya iyadoona 40 tameeyo kale lagu dhaawacay kadib markii in ka badan 100 qofood oo muhaajiriin ukala dhashay dalalka soomaaliya, Eritrea,Ethiopia, lagu soo weeraray xarun ay ku jireen halkaa oo sababtay in ay kudhintaan dadkaasi sida ay sheegtay hay’ada taqaatiirta aan xuduuda laheyn xafiiska ay kuleedahay dalkaasi Libiya.
Dhanka kale hay’adda MSF ayaa sheegtay in arintan ay ka dhacday magaaalda Bani Walid ee kutaala koonfurta dalkaasi liibiya halkaa oo lasheegay in qaar kamid ah muhaajiriintaasi kabad baaday weerar kani ay usoo baxsadeen dhanka magaalada madaxda dalkaasi liibiya.
Dadkii kudhintay weerarkani ayaa waxay badi ahaayeen dumar kuwaa oo mudo kusugnaa magaalada Bani Walid ee dalkaasi kuwaa oo doonayay in ay usii talaabaan qaarada Yurub
Hay’ada ayaa dhanka kale carabawday in dadkaasi waxyeeladu ay kasoo gaartay arintani ay ahaayeen dhalinraro islamarkaana ay wareysteen dadkii kabad baaday weerar kani waxaana ay uxaqiijiyeen in mudo dhowr bilood ah koox ay kuheysatay dadkaasi kuwaa oo malinba maalinka kadambeysa laabtooda kuqaboojin jiray in ay doonta saari doonaan.
Ilaa iyo haatan majiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada dalkaasi Libiya oo ku’aadan weerar kani lagu qaaday muhaajiriinta isugu jiray Somali, Eritrea, iyo Ethiopia, kuwaa oo kusugnaa magaalada Bani Walid ee dalkaasi
Dhalinyaro fara badan oo udhashay soomaaliya ayaa inta badan noloshooda Qatar galiya sidii ay ugu gudbi lahaayeen Bada Meditreanianka iyadoona ay raacaan doomo laash ah oo aan nolosha lagu aamni Karin si ay ugaaraan qaarada yurub.

