Farmaajo:-“Awooda Al-shabaab Waxaa Lagu Wiiqi Karaa in Shacabka Dagaalka Ka Qeyb Qaataan”,

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto Xarakadda Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Xarakadda Al-shabaab ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka Soomaliyeed taasina aan loo dulqaadan karin.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa shabaab oo doonaya  in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Al-shabaab ayaa kordhiya bisha barakeysan ee Ramadaan dilalka iyo qaraxyadda ay ka geystaan Magaaladda muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here