Wasaaradda Amniga Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo ee taariikh 23-May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.
Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriir.
Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.
Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka .
Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaarada Amniga Soomaaliya.
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in naftiisa lagaga taqaluso.
Xildhibaan-ka oo qoraal soo dhigay bartiisa Face-booka ayaa sheegay gaari uu saarnaa ay rasaaseeyeen Ciidamo ka tirsan Nabadda Sugida ee ku sugan agagaarka Saldhig Bari ee degmada C/casiis ee muqdisho.
Halkaan Hoose ka Ahriso qoraal uu soo dhigay Facebookiisa.
“shalay marki ay saacadu ahayd 5:10pm ama galabnimo waxaa si bareer rasaas iigu furay Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint ah kadib marki ay gaarigayga istaajiyeen ina weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay, kaddib waxaa ay nagu wargeliyeen in aanu socon karno, balse markii aan soo dhaafay 20 Mitir waxaa igu soo bilaabay rasaas isla askarigi i fasaxay iyo qaar kale oo la joogay sidoo kale waxaa uu amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaran yahay in uu i rasaaseeyo, waxaa xilligaas gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorshaysan waana allah mahadiis waa nabad qabaa”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.
“Waxaan rabaa in aan la wadaago shacabka Soomaaliyeed in ciidama NISA iga soo gaaray Marar badan handadaado amni, markii ugu dambeysay ee ay isoo gaartay khatartaas amni waxaan la wadaagay Guddoomiyaha Golaha shacabka Amb. Mohamed Mursal, waxaana dalbanayaa in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo wixi dhacay”ayuu yiri Guddomiyaha Kutlada Horusocod ee mucaaradka ah.

