Beesha caalamka iyo Dowladaha kale ee xiriirka la leh Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladaha dagaal ee ka aloosan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo Gacan ka hadalka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland.
Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka, iyagoo ku baaqay inay nabadda ilaaliyaan Labada dhinac ee ku loolamaya deegaanka Tukaraq.
War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu faray Labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland inay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, ayna ka wada hadlaan sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada iyo isweydaarisga maxaabiista la kala qabsaday.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay Dadkii ka bara kacay dagaallada, waxayna ku baaqeen in la caawiyo Dadka ku qaxay iyo kuwa ku dhibaataysan aagga lagu dagaallamayo.
Beesha caalamka iyo Dowladaha kale ee xiriirka la leh Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhacdadani inay kusoo beegantay xilli ay jiraan xaalado Bini’aaddannimo, gaar ahaan wakhti ay Dhulkaasi ka taagan yihiin dhibaatadii ay geysteen Duufaanno, Roobab iyo Daadad xooggan oo ay waxyeello badani ka dhalatay.

