Urur goboleeedka IGAD ayaa ka digay duufaanno kusoo fool-leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland.
Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD Bayaan kasoo baxay ayaa digniin looga bixiyay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii taraysa ee duufaanno ka soo kacaya gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.
Dadka looga danbeeyo arimaha duufaanada ee ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26ka May 2018 oo berrito ah.
Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa sheegtay in Qaybo ka mid ah duufaannadan ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30 mm.
Dad ku dhow 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay gobollada Awdal iyo Salal.

