War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho!

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamadda Nabadda Sugidda Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Degmadda Waabari gaar ahaan Xaafadda Maajo.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka dagan degmadda Waabari, kooxo ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka askariga  loo geystay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cadaani, kaasi oo laga toogtay qeybaha sare ee jirka.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana haatan goobta baaritaano kawada Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho  ayaa mudooyinkii dambe martigalisay dilal qorshaysan oo ay sheegteen Al-shaabab iyo Daacish.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here