Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka askari ka tirsanaa Ciidamadda Taraafikadda Soomaaliya oo lagu dilay isgoyska Bakaaraha ee magaaladda muqdisho.
Wakaalada Wararka Daacish ee loo yaqaan ACMAAQ ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska ay dileen, islamarkaana ay dhaawacmeen askari kale.
Sawirro ay soo bandhigeen Daacish ayaa muuijinaya mid kamid ahaa Ciidamadooda oo tooganaya askariga Taraafikada ka tirsanaa oo xiligaas ku mashquulsanaa gaari yar oo nooca raaxada ah.
Waa dilkii seddexaad oo ay sheegayaan Ururka Daacish,dhawaan waxa ay sheegteen dil ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho.



