Wasaaradda Amniga oo ka Hadashay Ismiidaamintii Ka Dhacday Afgooye+Sawirro

0

Ciidamadda Nabad Sugidda Amniga Caasimada qaybtooda Afgooye ayaa fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaha Qarax oo ay Al-shabab ay doonayeen in ay fuliyaan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goob ay ku sugnayeen Ciidamada oo aad u dhiiranaa una diyaarsanaa ka hortagga falalka ay soo maleegaan Alshabab uu kaligiisa iska qarxay kadib markii ay Ciidanku rasaaseeyeen.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa intaasi ku daray in aysan jirin Wax khasaaro Nafeed ah oo uu geystay marka laga reeebo in uu ku dhintay ismiidaamiyihii.

Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa, waxa ayna sheegeen in ay ku dileen 12-askari oo ka tirsana Ciidamadda Mareykanka uu tababaro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here