Deg Deg:- Weerar Ismiidaamin Ah Oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0

War goordhaw soo gaaray warqabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay duleedka Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Warar ismiidaaminta ayaa ka dhacay gudaha degmada afgooye gaar ahaan  Xaafadda Baar Ismaaciil, halkaasi oo gaari ismiidaamin ah lagu dhuftay ciidamo katirsan dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in dhamaan gudaha degmada laga maqlayay qaraxa oo aad u xoogana, waxuuna intaa ku daray inuu jiro khasaare gaaray ciidamada, balse an la xaqiijikarin.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa durba dusha loogu ritay masuuliyada weerarka ismiidaaminta.

Al Shabaab waxay si hordhac ah u sheegtay in dhimashadu ay gaarayso illaa 12 askari iyo burbur gaaray  gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamada Bangaraafta oo ay Tababartay dowladda Mareykanka.

“Waxaa dilnay 12  askari oo katirsan ciidamada ka amar qaata mareykanka ee loo yaqaan Bangaraafta oo kuna lug lahaaday dhowr xasuuq oo dad shacab ah loogu  geystay gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha dhexe”.  ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Wali wax war ah kama soo bixin maamulka degmada afgooye, sido kale xiriiro samba ay la sameysay maamulka ayaa suura galin mashquul dhankooda ah oo xiliga la xiriireynay ay ku guda jireen.

waxii kusoo kordha kala soco www.simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here