Sida ay Shegayaan Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa Kusoo Waramaya Ciidamada Booliiska Maamul-Goboleedka Somaliland ay xabsiga u taxaabtay rag magaalada Hargeysa ku samaynayey baasaaboorka dowladda dhaxe ee Soomaaliya.
Wararka ay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay Ka heleyso magaalada Hargeysa ayaa tibaaxaya in ragaas ay ku xiranyihiin saldhiga degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa kuwaas oo tiradoodu tahay shan qof.
Ciidamada booliska somaliland ayaa ragan iyo qalab ay siteenba gacanta ku soo dhigay, Waxaa Loo taxaabay Xabsiga magaaladaasi.
Masuuliyiinta somaliland ayaana dhinaceeda ilaa iyo hada ka hadlin talaabada ay ciidamada booliska ku soo qabteen ragan ku eedaysan inay baasaaboorka Soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

