War Deg Deg:-Toogasho Goordhaweyd Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Isgoyska Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamadda Taraafikada Dowladda Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag dhalinyaro ahaa oo ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa fuliyay dilka askariga,waxayna dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka,waxayna isaga baxsadeen goobta.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan,waxayna sidoo kale halkaas ka qaadeen meydka askariga ka Tirsanaa Ciidamada Taraafikadda.

Xarakadda Al-shabaab ayaa loogu bartay in ay sheegtaan dilalka noocaan oo kala ah.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkaan waxaa Joogto ka noqday dilalka ay geysanayaan ragga hubeysan, Xalay waxaa Degmadda Dharkinley lagu dilay nin Odey 60-sano jir ahaa kaasi oo kaabe Marqaati ka ahaa Suuqa Beerta ee Degmadda Waabari.

Habeen ka hor sidoo kale waxaa Degmadda Hodan lagu dilay mid kamid ahaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre, kaasi oo lagu magacaabi jirey Aweys.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here