Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam oo kulan la qaatay Hay’adaha kala duwan ee ka howlgala deeganada Maamulka Jubbaland.
Kulankan waxaa ka qayb galay Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo howlwadeenada Wasaaradaha qaar iyadoo ay goob joog ka ahayeen Madaxda Hay’adaha madaxa banaan ee Caalamiga ah iyo kuwa NGO-yada ah.
Ujeedada kulankan oo ahaa is barasho iyo kala warqadasho ayuu Madaxweynahu usoo jeediyay in ay dardar galiyaan howlaha ay hayaan isla markana ay ka fogaadan wax walba oo musuq sababi kara.
Madaxweynahu waxaa kale oo uu ku booriyay in ay dardar galiyaan holwaha ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka loo samaynayo dadka ay roobabku saameeyeen.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku wargaliyay Hay’adaha kale ee ka howlgala deeganadda Maamulka Jubba-land in ay isasa soo diiwaan galiyaan, isagoona sheegay In Jubba-land ay tahay maamul goboleed ayna xaq u leedahay in ay ka fikirto hormarkeeda.

