Faah-faahin:-Dil Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa nawaaxiga Masaajidka Dabaqeynka ee Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen galabta xiligii maqribka Nin odey ahaa.

Ninka odeyga ahaa oo lagu qiyaasay da’diisa 60-sano jir  ayaa lagu magacabi jirey Xasan Sulub,waxaana dilkiisa fuliyay rag hubeysnaa oo watay mooto sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.

Ilaa dhowr xabadood ayaa la sheegay in loogu dhuftay qeybaha Madaxa iyo wada-nadaha islamarkaana ay goobta ka baxsadeen ragii ka dambeeyay dilka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sulub  uu kaaba Marqaati ka ahaa Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi.

Meydka Odeyga waxaa goobta ka qaaday Ciidamadda amaanka Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan waxaa Joogto ka noqday dilalka ay geysanayaan dhalinyarada Bistooladaha la carara, Xalay oo ugu danbeysay waxaa lagu dilay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan mid kamid ahaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilkaan ka dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here