Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo Isniintan maanta ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa ka hadlay dagaalada u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland ee ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.
Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo dhowaan ciidankiisa ku biiriyey kuwa Puntland ee ku sugan jiidaha Tukaraq ayaa waxa uu madaxda maaulka Soomaaliland ku eedeeyay insayn rabin nabadda iyo wada noolashaaha maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) ayaa waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay ka qaybgalka dagaalka Soomaaliland lagaga xoraynayo gobolka Sool uuna garabtaagan yahay dowladda Puntland sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo.
Wararkii ugu dameeyay ee hada laga helayo deegaanka Tukuraqa ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladda dagan tahay, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka qarxeen dagaal u dhaxeeya Soomaaliland iyo maamul gobaleedka puntland Soomaaliya.
Dhanka kale waxaaa maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayaa deegaankaasi iney ka wadaan ciidamada Maamullada Soomaaliland iyo kan maamul gobaleedka Puntland.
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama Ciidamo dheeraad ah Puntland ay u dirtay deegaankaasi, si ay u xoojiyaan ciidamadii halkaa ku sugnaa.

