Amiirka Shabaab oo Ka Hadlay Dagaalka Dowladda, Una Digay Turky-ga iyo Imaaradka

0

Amiirka Al-shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda ayaa farriin cusub uu soo duubay bisha Ramadaan waxaa laga baahiyay warbaahinta Shabaab.

Amiirka ayaa Fariintiisa diiradda ku saaray Dagaalka  u dhaxeeya Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya, iyo arrimaha Wadamadda Turky-ga iyo imaaradka Carabta.

Amiirka Alshabaab ayaa farriitii si weyn ugu weerarray dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo,wuxuuna sheegay in Madaxda Dowladda ay u maleeyaan in ay mideysan yihiin balse ay qalbiyadooda ay kala jeedaan.

“Waxaa noo muuqda in dhowr boqol oo daneystayaal ah, sheegtana inay sharci dajiyeyaal yihiin ay masiirka Umadeena u gacan gelinayaan shisheeye, waa gole sheydaan dhisay oo inay la diriraan ku dhaqanka sharciga Allaah… Waa gole dalka u gacan gelinaya cadowgeena soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waa golaha doortay hogaamiye bilaash xeyte ah, kasxumo iyo garaad la’aana ku caanbaxay, Kampala accrod-na ku garaadsaday”. ayuu Amiirka Alshabaab yiri.

Dhanka kale Amiirka Al-shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda ayaa sheegay in guul weyn laga gaaray dagaalka u dhaxeeya Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda iyo AMISOM.

Ugu dambeyntii Amiirka Shabaab ayaa sheegay in Dowladaha Turky-ga iyo imaaraadka Carabta ay weerar cad kusoo qaadeen dalka Somaaliya,islamarkaana dhankooda ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here