Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd gudaha Degmadda Shibis ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen askari Ka Tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta degmada Shibis sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen,waxaana askariga la dilay magaciisa lagu soo gaabiyay Qataatoow.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya,waxaana socda baaritaan.

