Maamulkee Ayuu ka Tirsanaa Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa weerar toogasha ah oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dabley hubeysan ay ku dileen sarkaal katirsanaa mamulka Galmudug.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xaafada Carafaad ee degmada yaaqshid waxey ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada maamulka galmudug,  gaar ahaan saraakiisha ku sugan degmada Dhuusamareeb.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu madax u ahaa ciidamo ku sugan degmada Dhuusamareeb, balse safar ahaan uu ugu sugnaa degmada yaaqshid oo xalay lagu toogtay.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada dilkaasi iney ka danbeeyeen, rag katirsan ciidamada Shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Xoogag katirsan Al-shabaab ayaa muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa saraakiisha Galmudug “ ayaa lagu yiri war lagu baahiyay Idaacada afka Xarakada Al-shabaab ku hadasha ee Andalus.

Maamulka degmada yaaqshid ee magaalada muqdisho oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa suura galin sababa la xiriira Lanbarada maamulka oo aan laga jawaabin, si wax aan kaga weydino waxa dhacay.

Mararka qaar Yaaqshid waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lagula kaco saraakiisha iyo ciidamada dowladda, iyo shaqsiyaad aan la aqoon cida ay katirsan yihiin oo kamid ah dadka ku nool degmadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here