Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Waxii Xalay ka Dhacay Muqdisho

0

Wasaaradda amniga soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qaraxyo iyo hoobiyaal xalay laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir, sida dadka rer Muqdisho ay warbaahinta u sheegeen.

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya  oo ka hadlay qaraxyada laga maqlay magaalada xalay iney ahayeen kuwa dheemish oo ah Baco Lagu Shubay Baaruuda Qaraxda.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya  Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in walxahaasi dheemishka ah aysan qofna wax ku noqon,taasoo ujeedkeedu ahaa in lagu carqaladeeyo in shacabka Soomaaliyeed , iyo in dadka loo sheego xamar ineysan aheen amaan.

Dhanka kale xalay Fiidkii ayaa waxaa weerar loo adeegsaday Bambaanooyin lagu weeraray guri uu degmada Howl-wadaag ka degganyahay  Taliyaha ciidamada Xasilinta Caasimadda’ horayna usoo noqday isla guddoomiyaha degmadaasi xalay uu kula kulmay weerarka Maxamed Abuukar Jacfar.

Majirto wali cid sheegatay masuuliyada waxa xalay ka dhacay magaalada muqdisho, sido kale weerarkaasi lagu qaaday hoyga taliye Jacfar ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen laba askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here