Kheyre oo kormeer ku Tagey kontaroolada Muqdisho Xili Xalay Magaalada Laga Maqlayay Hoobiyaal Iyo Dhawaqa Qaraxyo (SAWIRRO)

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah  saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo koontarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo xalay ka dhacay Muqdisho,si dhagarqabayaashu ay shacabka u qal qalgeliyaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal Bashiir Cabi Maxamed ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa. “Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2  degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa lagu qal qalgelinayay shacabka”. Ayuu yiri Taliye Bashiir.

Kormeerka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka danbeeyay kadib markii xalay qeybo kamid ah magaalada muqdisho laga maqlay dhawaqyada qaraxyada iyo sido kale weerar lagu qaaday hoyga uu howlwadag ka dagan yahay gudoomiyihii hore ee degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here