Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil toogasho ahaa, oo loo geystay wiil dhalinaro ahaa, gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay Daacish oo lagu baahiyay “Amaq News Agency” ayaa waxay ku sheegtay in ruuxa ay dishay uu ahaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA].
Ururka Daacish waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dilalka ay ka geystaaan muqdisho,kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo dadka dowladda u shaqeeya ama xiriirka la leh.
Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii 3-nin ay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Cabdala shideeye ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, iyagoo sidoo kale muuqaal ka duubay dilka kadib.

