Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam axmd madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.
Wafdiga uu hor kacaayo madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa si diiran magaalada baydhabo ugu soo dhaweeyay dhigiisa maamulkaasi shariif xasan sheikh aadan oo marti galinaya Shirka Golaha iskaashiga maamul goboleedyada kaa oo berri ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, kaasoo noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka baydhabo.
Sido kale waxaa ku wajahan Baydhabo madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo wafdi uu hogaaminaayo balse lama oga in ay ka qeyb gali doonaan madaxda maamul gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, maadaama ay ku sugan yihiin magaalada caasimada ah ee Muqdisho.




