Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Doha ee dalka Qadar.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo XIldhibaano ka Tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxayna dalkaas ku joogi doonaan booqasho labo maalin qaadan doonta 13/14 Maay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaaladda Doha kula kulmi doona Amiirka dalkaas Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani,waxayna kawada hadli doonaa xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, iyo sidii loo fulin lahaa Mashaariic Dowladda Qadar ay balanqaaday sanadkii hore.
Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah, balse dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku cadaadinaayo Soomaaliya in ay xiriirka u jarto Qadar.

