Al-shabaab ayaa saakay tiro Hoobiyayaal ahaa waxa ay ku weerareen Saldhiga Dowladda turkey-ga ee ku yaala deegaanka Jaziira ee duleedka magaaladda Muqdisho.
Jugta culus ayaa saakay aroortii laga maqlay qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Sida shabaab ayaa warbaahintooda ku baahiyeen ilaa 13-madfac ayay ku weerareen Saldhiga Dowladda turkey-ga ee ku yaala deegaanka Jaziira ee magaaladda Muqdisho.
Xiliga saldhiga la duqenayay ayaa la sheegay in Ciidamadda Dowladda federaallka Soomaaliya ay tababar isku diyaarinayeen.
Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee duqeymuhu geysteen.

