Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday bartamaha Soomaaliya, taa oo lala bartil maameed saday dagaalyahano katirsan Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab oo ku sugnaa Agagaarka deegaanka Jil-jiley oo 420Km kaga began waqooyi galbeed magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Mareykanka oo war ka soo saaray Ajaanibta katirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya
Weerarkan oo dhacay habeenimadii xalay aheyd ayaa diyaarado nuuca dronka ah oo anu cidi wadin waxaa ay dhowr gantaal kugaraaceen qeybo kamid ah deegaanka Jil-jiley halkaa oo lagu soo waramayo in qasaare xoogan lagu gaarsiiyay garab kamid ah Xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama deegaankaasi.
Mid kamid ah dadka deeganka oo diiday in magaciisa iyo codkiisa oo ladeegsado warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in guud ahaan magaalada laga maqlayay duqeyn taasi isla markaana lala bartil maameed saday goobo ay heysteen mucaaradka ee bartama Soomaaliya.
Dhanka kale illaa iyo haatan majirto cid sheegatay duqeyntaasi diyaaradeed oo kadhacday deeganka jil-jiley ee dhaca waqooyi galbeed soomaaliya, iyadoona sidoo kale aanu jirin warar rasmi ah oo ku aadan khaasaaraha rasmiga ah ee kadhashay weerarkaasi.
Illaa iyo haatan majirto wax war ah oo kasoo baxay garabka Alqaacidda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntasi lala bartil maameed saday xubno kamid ururkaasi iyo khasaaraha kadhashay duqeyntaasi.
Ciidamada mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah faraca Alqaacidda soomaaliya ee Al-shabaab oo dagaal culus kula jira ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

