Golaha Amaanka Midowga Afrika oo Canbaareeyay Dowladda Soomaaliya (Akhriso)

0
Hand Drawn Flags East Africa

Golaha amaanka iyo nabada ee midowga Africa ayaa waxaa ay si kulul ucambaareyeen dowlada Soomaaliya, kadib markii ay xukuumada Soomaaliya go’an kugaartay in amniga soomaaliya lagu wareejin doono ciidamda amaanka ee dowlada, isla markaana ciidamda midowga Africa ee Amisom dhawaan amniga guud ahaan soomaaliya ay ku wareejin doonaan dowlada somaaliya.

War qoraal ah oo ay soosaareen goloha amaanka ee midowga Africa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in waqtigan aanu aheyn xiligii amniga dalka masuuliyadiisu ay qaadi karaan ciidamada dowlada soomaaliya, balse ay ciidamada Amisom waqtigan hadii ay wareejiyaan amniga guud ahaan soomaaliya  dalku ku laaban doono dhibaatooyinkii uu kujiray sanadihi aynu kasoo gudubnay ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay golaha amaanka ee midowga Africa

Ciidamada dowlada soomaaliya waa ciidan tababaran balse loobaahan yahay in lisku dabarido ciidamada amaanka ee soomaaliya taasina ay qaadaneyso waqti loona baahan yahay in ciidamda midowga Africa ee Amisom nabad ilaalinta ujooga gudaha soomaaliya ay si hayaan masuuliyada amaanka guud ahaan soomaaliya maadama haatan ciidamada amisom ay garab buuxa kaheystaan ciidamada dowlada soomaaliya

Waxanu dooneynaa in tababar buuxa aanu sino ciidamada dowlada soomaaliya taasina ay ubaahan tahay waqti balse doorka masuuliyada amniga dalka waqtigan loobaahan yahay in ay siihayaan Amisom ayaa lagu sheegay warkan kasoo baxay goloha amaanka ee midowga Africa.

Midowga Africa ayaa waxaa ay ciidamo fara badan oo laga keenay dowr wadan ayaa waxaa ay jogaan soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah howl galka midowga Africa ee Amisom si ay u taageeraan dowlada soomaaliya lona wiiqo awooda Al-shabaab dalalka ay Soomaaliya ciidamda kajoogaan waxaa kamid ah Burundi, Ethiopia, Djabouti, Uganda, Kenya, Iyo serilyoon.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here