Xoogaga Al-shabaab Iyo Ciidamo ka Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaalamay Muqdisho

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday xarunta degmada kaxda ee magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xoogaga katirsan Al-shabaab ayaa la sheegay iney xalay xarunta degmada kaxda kusoo weerareen bambaanooyin iyo hubka nuucyadiisa fud fudud, waxaana halkaasi ciidamada dowladda ee saldhiga degmada ku sugnaa iyo Al-shabaab kii weerarka soo qaaday dhax maray iska hor imaad mudo socday.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada amniga Soomaaliya iyo xoogaga Al-shabaab ee la sheegay iney ka danbeeyeen weerarkaasi lagu qaaday xarunta degmada kaxda ee magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Kaxda ee gobalka banaadir oo Simba ay la sameysay xiriiro ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan weerarka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi koobnaa.

Ruux kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay sakay in ciidamada dowladda ay sameynayeen howlgalo dhalinyaro lagu soo qab qabtay kuwaasi oo ciidamada ay ula dhaqaaqeen dhanka saldhiga degmadaasi.

Mararka qaar dagaalyahano katirsan Al-shabaab ayaaa weerar ku qaaday xarumaha kala duwan ee ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka degmada Kaxda ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here