Al-shabaab oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Galgaduud Iyo Ciidamo Ku Wajahan

0

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan ciidamo katirsan xarakada Al-shabaab  oo xalay gudaha u galay deegaanka Baxda ee gobalka galgaduud.

Ciidamada Al-shabaab ee la wareegay deegaanka Baxda ayaa la sheegay ineysan la kulmin wax dagaal ah oo ay kula wareegeen deegaanka si nabad ah oo aysan jirin cid ka hor tagtay la wareegi taankooda.

Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney gudaha deegaanka ku arkayaan ciidamo fara badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaa oo gaaf wareegaya gudaha iyo hareeraha deegaanka Baxda ee G/Galgaduud.

Xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay maamulka deegaanka Baxda ayaa ka gaabsaday iney inooga warbixiyaan dagaalyahanada Al-shabaab ee gudaha u galay deegaanka iyo jawiga halkaas sida uu yahay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan galmudug ay doonayaan iney gaaraan halkaasi, oo ay joogaan ciidamo ka amar qaata hogaanka  Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab.

Waxii kusoo kordha halka ay wax ku danbeeyaan iyo ciidamada Al-shabaab ee deegaanka la wareegay hadii ay sii joogaan deegaanka ama isaga baxaan, waxii kusoo kordha kala  soco Simbanews.net

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here