Wararka Idaacada Simba ay ka heleyso gobalka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in duleedka deeganka bariire ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo khasaare dhimasha iyo dhaawac sababtay.
Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay in diyaarado loo maleynayo Mareykanka in Xalay saqdii dhexe weerar duqeyma ah ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanka bariire iyo Afgooye ee gobalka Sh/Hoose.
Weerarka ayaa loo badinayaa iney ka qeyb qaadanayeen ciidamo katirsan kumaandooska soomaaliya ee ka amar qaata dowladda dalka mareykanka oo dagaal culus kula jirta dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.
Duqeymaha diyaaradeed ayaa la sheegayaa in uu jiro khasaare ka soo gaaray dad shacab ahaa oo ku dhaqnaa deegaano katirsan gobalka shabeellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Macallinka.
War ka soo baxay Xoogaga Al-shabaab laguna baahiyay Warbaahinta rasmiga ee ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in uu xasuuq ka dhacay deegaanka Macallinka oo u dhaxeeya Bariire iyo Afgooye, halkaasi oo diyaarado mareykan ah ku dileen 5 ruux oo shacab beeraley iska ahaa.
“Xalay abaara 2:00 ayey ciidamo Mareykan ah duqeymo cadawtooyo waxey kala dul dhaceen dad rayid ahaa oo qudaar ku qaadayay gaadiidka loo yaqaan cagaf cagaf, goobta waxaa lagu arkay dad jirkooda ay ka muuqatay rasaas laga riday qorayga loo yaqaan M16 oo inta badan ay adeegsadaan qoryahaasi ciidamada mareykanka ee howlgalada ka fuliya Somaliya”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.
Deegaano katirsan gobalka waxaa saameyn xoogan ku reebay roobab mahiigaan ahaa oo halkaasi ka da’ayay mudooyinkii danbe, maadaama lagu guda jiro xilli roobaad oo Wabiga Shabeelle uu ku fatahay dhul beereedka Khudaarta soo saara ayaa xilligaan oo kale soo daabulidda dalagyada waxaa loo adeegsadaa gaadiidka Cagaf Cagafta oo awood u leh in ay dhax jiiraan dhiiqada iyo meelaha qaar.
Duqeyntaan ayaa noqoneysa hadii ay rumowdo midii labaad oo ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyaan deegaanka Bariire ee ee gobalka shabeellaha hoose, sanaddii lasoo dhaafay ayay ciidamo cadaan ah 12 qof shacab ah ku dileen beeraha deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose.

