Sida uu qoray wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya ayaa waxaa uu daabacay War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Kenya oo loogu baaqay ciidamada amaanka ee Kenya in ay si wanagsan u ilaaliyaan amniga gudaha Kenya maadaama ay nagu soo fool leedahay bisha barakeysan ee ramadaan.
Afahayeenka ciidamda Booliska dalka Kenya Mr Charles Owino ayaa sheegay in xoggo ay ka Heleen ilaha sirdoonka dowlada Kenya in xarakada alshabaab ay qorsheenayaan in weeraro argagaxiso lagu qaado gudaha dalka Kenya inta lagu guda jiro bisha ramadaan ayuu yiri afahayeenka.
Afhayeenka ciidamada boliceka dalka Kenya oo sii hadlayay ayaa carabaabay in ay heleen xoggo kusaabsan alshabab oo ah in ay doonayaan weeraro dhiig badan kudaata in ay ka geystaan Kenya balse sida uu sheegay Afhayeenka in aanu usuura gali doonin shabaAb falalkaasi argagaxisnimo maadaama ay kaheen ciidamda sirdoonka dalkaasi Kenya iyo shacabka kunool Kenya in shabaabku ay isku diyaarinayaan weeraro inta lagu guda jiro bisha ramadaan isla markaana xubno katirsan alshabaab ay haatan kusugan yihiin qeybo kamid ah dalkaasi Kenya balse ciidamda amaanka Kenya ay kudajiraan sidii gacanta loogu soodhigi lahaa raggaasi katirsan alshabaab.
Xarakada alshabab oo fadhigoodu yahay soomaaliya ayaa inta badan waxaa ay weer kuqaadan dalalka dariska la ah soomaaliya gaar ahaan Kenya iyagoona weerarkii ugu dambeeyay kuqaday dad kashqeeya kaawada oo lagu dilay gudaha Kenya.
Owino oo sii hadlayay ayaa sheegay in shabaabka kadagaalama soomaaliya ay doonayaan in ay weeraro ku qaadan goobaha dadku ay isugu yimaadaan gaar ahaan Huteelada, Kaniisadaha, basaska, iyo walba Schoolada kuyaalla dalka Kenya

