Howlgalka AMISOM oo Tababaro Siinaya Saraakiil Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Soomaliyeed

0

Ciidamada midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in qaar kamid  ah saraakiil katirsan ciidamada bolice ka dalka soomaaliya ay tababar siin doonto kaa oo ku aadan la macaamilka dadka shacabka ee kunool magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Simon Mulongo oo ah kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee midowga Africa ee amisom ayaa sheegay in tababar kani uu faa’iido weyn uleeyahay ciidamada boliceka islamarkaana loo baahan yahay in ay si wanagsan kaga faa’iideystaan tababarkan maadama ladhaqanka bulshada iyo xariirka kadhaxeeya ciidamada boliceka iyo shacabka kunool guud ahaan magaalada muqdisho si loohello ciidan dhaqan wanagsan iyo shacab kalsooni kuqaba ciidamada boliceka soomaaliya ayuu yiri yiri kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee ururka midowga Africa ee amisom

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee ururka midowga Africa ee amisom ayaa dhanka kale carabaabay in loobaahan yahay in ciidamada boliceka ay noqdaan kuwa heysta xirfado kala duwan iyo waliba in heerkooda aqooneed uu yahay in aad usareeyo si loohelo ciidan wanagsan isla markaana bulshada kudhaqan soomaaliya ay isku haleen karaan si shacabka soomaaliyeed ay xoggo kusaabsan weerarada alshabab ay ka geesanayaan gudaha dalka soomaaliya ay ula wadaagaan ciidamada boliceka ee soomaaliya

Taliyaha ciidamada midowga Africa ee amisom gaar ahaan ciidanka kasocda dalka Uganda ayaa ku bogaadiyay ciidamada amisom gaar ahaan kuwa tababarkan siinaya ciidamada boliceka soomaaliya isagoona sheegay in waqti kasta ay garab istaagi doonaan xukuumada soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii dowlada Kenya ay sheegtay in qaar kamid ah ciidamda soomaaliya ay siin doonaan tababar buuxa si loohelo ciidan tayeysan ee sugi kara amaanka guud ahaan soomaaliya maadama ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya qorshahoodu uu yahay in sanada 2021ka ay faarujiyaan dalka loona baahan yahay in ciidamada dowlada soomaaliya ay lawareegaan amniga soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here