Daacish Oo Soo Bandhigtay 45 Weerar Oo Ay ka Fulisay Soomaaliya (Akhriso)

0

Warbixin lagu qoray Wargeyska Long War Journal ayaa lagu sheegay in kor ay u kaceen weerarada dagaalyanada la magac baxay dowladda Islaamiga Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Warka lagu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay in faraca Daacish ee Soomaaliya ay sare u qaadeen weerarrada ay ka geysato magaalada Xamar waxaana afar ka mid ah shan weerar oo ay bishii April ka geystay Muqdisho ay dhaceen wixii ka dambeeyay 15kii April.

Warbaahinta guud ee ururka Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay 15kii April in xoogag ka mar qaata Ururka la magac baxay dowladda islaamiga ay Degmada Afgooye ku dileen sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya,todobaad kaddib waxaa ay baahisay dilka sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda oo lagu dilay Xamar,maalmo kadib, haddana waxaa ay baahisay dilka sarkaal kale oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya.

Isbuucii tagay waxaa ay sheegtay in Sarkaal Boolis ah ay ku dishay Muqdisho,maalmo kadib waxey wakaalada Acmaaq baahisay in muqdisho lagu dilay mar kale sarkaal katirsanaa Sirdoonka dowladda.

Warka lagu daabacay Wargeyska ayaa sido kale waxaa lagu sheegay in sanadkan 2018, Ururka Daacish uu 13 weerar ka geystay gudaha Soomaaliya,weerarradaas waxaa ay ka badanyihiin kuwii ay fuliyeen  2016 iyo 2017,sida ay baahisay xogta keydka ee wakaalada wararka Acmaaq ee hoos tagta Ururka la magac baxay khilaafada islaamka ee loo yaqaan kiisaskii kooxda ay ka fulisay gudaha Soomaaliya.

Wakaalada rasmiga ee Daacish ayaa waxey inta badan marka ay soo bandhigto magacyada ama weerarada Daacish ay ka fuliyaan wadamada askartooda ay ka dagaalamaan waxey intaasi raaciyaan mararka qaar sawiradda iyo muuqalada dadkii ay weerarkaasi ku dileen qaab cadeyn ahaan.

Wargeyska ayaa sheegay in weerarada inta badan daacish ay soo bandhigtay ay ku beegsadeen saraakiisha kala duwan ee Sirdoonka dowladda Soomaaliya, ama kan maamulka Puntland.

Weerarada ayaa waxaa qaar kamid ah ay ka dhaceen deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanka Jurur oo kamid ah deegaanada maamulka Puntland .

Warbaahinta ama wakaalada wararka ee Ururka Daacish ee loo yaqaan Acmaaq ayaa baahisay 45 weerar oo ay ka geysatay Soomaaliya,14 ka mid ah waxaa ay ka dhaceen Muqdisho,12 waxaa ay ka dhaceen Shabeellaha hoose gaar ahaan Afgooye iyo agagaarkeeda halka kuwa kale ay ka dhaceen Boosaaso iyo Qandala, iyo kuwa ay sheegtay iney ka fulisay magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay.

4 weerar ayey la beegsadeen howlgalka AMISOM,waxaase inta ugu badan ay Daacish beegsataa Saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

hal weerar oo is qarxin ah ayey sheegatay Daacish,kaas oo Bishii May ee sanadkii hore ka dhacay Boosaaso ee Gobolka Bari,bilo kaddib markii laga saaray Magaalada Qandala oo ay qabsadeen.

Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Sheikh C/di Qaadir Cali Muumin,waxaa uu Al-shabaab ka goostay October 2015kii,waxaana uu ku biiray Ururka Daacish.

Tirada Daacish ee Soomaaliya ayey warbixinta ku sheegtay in ay u dhaxeeyaan 200 ilaa 300 qof,kuwaas oo inta badan ka howlgala Gobollada Puntland,haddase u muuqda in ay Muqdisho xoogga saareen.

Ururka daacish ama dowladda Islaamiga ayaa ah kuwa ka dagaalama wadamada caalamka sida dalalka Suuriya Ciraaq Yamen aAfganistaan iyo wadama kale, balse kooxda ayaa waxuu dagaal dhan kale kala dhaxeeyaa Ururweynaha Alqaacidda ee caalamka sida xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, sido kale waxaa xakameyn badan kooxda ay kala kulantaa Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab maadaama inta badan ay is bar garanayaan, oo Al-shabaab aysan ogoleen in dhaq dhaqaaq buuxa Daacish ay ku yeelato Somaaliya, maadaama fikir ahan Daacish & AlQaacidda ay kala duwan yihiin

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here