Madaxweynaha Puntland oo Eedeen u Jeediyay Xildhibaanada Puntland Ugu Jira Aqalka Sare

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa eedeen u jeediyay  Xildhibaanada Puntland ugu jira xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay  in Puntland dagaal badan u gashay sidii loo dhisi lahaa Aqalka Sare gaar ahaan waqtigii la samaynayay Dastuurka.

“Anagaa Puntland ayaa ku doodnay Aqalka sare sababtoo ah markaas 2011 kii markii Dastuurka la samaynayay state-ka kaliya ee ku doodayay Aqalka sare Puntland bay ahayd, cida kale oo markaas jirtay waxay ahayd Galmudug oo aan markaas dhammaystirnayn oo Galkacyo barkeed ah iyo Caalim, waxay lahaayeen ma rabno Federaal ee waxaan rabnaa Regional autonomy,” ayuu yiri C/wali Gaas.

Waxa uu sheegay in rag badan oo khuburo ah islamarkaana xilal sar sare soo qabtay ay ku darsadeen Aqalka Sare sida Cabdiraxmaan Farole, Cumar Cabdirashiid balse aan war laga hayn meel ay ku suganyihiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doodaha ay yeeshaan Xildhibaanadda aqalka Sare inta badan diiradda lagu saaro waxyaalo loogu soo horjeedo hormarka Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here