Dowlada Somalia oo Soo Banidhgtay Ciidamo Loo Diyaariyey Sugida Aminga Muqdisho+Sawirro

0

Raisul wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre, Taliyayaasha Nabadd Sugida iyo Asluubta Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa maanta si wadajir waxa ay kormeereyn Ciidamo isku dhaf ah oo kujira  xarunta Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadda ayaa loo diyaariyay  Sugida Amniga Caasimadda Dalka Somaaliya Iyadoo ay fooda nagu soohayso bisha barakeesan ee Ramadaan.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/naasir Saciid Muuse ayaa kahadlay qorshaha xukuumada ee Ciidamadan Xasilinta caasimada loo diyaariyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hay’addaha amnigu ay ka shaqeeyeen diyaarinta Ciidamadan oo xaqiijin doona amniga Muqdisho iyo deegannada ku dhaw dhaw.

Ra”isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la hadlay Ciidamada,waxaana uu ku baraarujiyey inay mas’uuliyad iska saaraan Sugida Amniga Muqdisho, ayna shacabkooda ka difaacaan kooxo uu ugu yeeray cadow nabadiid ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here