Shir Loogu Hadlaayo Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Jaban oo Lagu Soo Gaba-gabeynayo Koonfur Afrika

0

Waxaa maanta Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika Lagu Wadaa In Lagu Soo Afmeero shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan.

Kulankan oo ay soo agaasintay Dowlada Japan ayaa waxa uu Furmay Malintii Shalay Waxaana  ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa, Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika iyo marti sharaf kala duwan oo shirka lagu casuumay.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya Ku Matalaya Shirkaasi Looga Hadlayo Arimaha Maal-Gashiga Dhinaca Dhaqaalaha .

Sida Qorshaha Uu Yahay Waxaa Lagu Tala Jiraa in Shirkaan Manta lasoo gaba gabeeyo oo ay Bisha May tahay Shan, iyadoo inta uu socdana ay shirkadaha Dalka Japaan iyo kuwa Qaaradda Afrika ay kusoo bandhigi doonaan halkaasi wax soo saarkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here