Weerar Khasaare Geystay oo ka Dhacay Dhulka Soomaalida Kenya

0

Weerarkan ayaa dad xogogaal ah oo degaanka ah ay noo sheegeen inuu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku taalla Koonfurta Mnadera.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare dhimasha iyo dhaawac geystay oo ka dhacay dhacay degaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku taalla dhulka soomaalida Kenya.

Saraakiisha laamaha amniga Kenya ayaa xaqiijiyay inuu jiro weerarka , mid kamid ah saraakiisha ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay laba ruux oo shacab ahaa, halka tiro intaa ka badan lagu dhaawacay.

Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya kasoo baxaya oo weerarkan wax ka qoray ayaa soo xigtay Madaxa AMnga ee Gobolka Kutswa Ololka oo isagu u sheegay inaysan weli caddayn tirada dadka waxyeelladu kasoo gaartay , balse uu weerarkaasi hada jiro.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in iminka goobta weerarka uu ka dhacay ay ku baxeen ciidamo iyo saraakiil katirsan Booliska iyo Sirdoonka Kenya oo kasoo war doonaya sida wax ay u dhaceen.

Lama oga cida sida rasmiga ah kaga danbeysa weerarka, balse Xoogaga Alqaacidda ee Al-shabaab ayaa inta badan halkaasi ka fulaya weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay la beegsadaan madaxda saraakiisha ciidamada kenya iyo shacabka Kenyaatiga ee diin ahaanta u heysta Diinta Masiixiga.

Bishii Diisambar ee sannadkii 2014-ka weerar ay Al-Shabab ku qadaday shaqaalaha qoda carrada waxaa ku dhintay 36 ka tirsan shaqaalahaasi taasi oo horseedday inay si xawli ah shaqaalaha aan Soomaalida ahayn uga qulqulaan gobolkaasi, iyaga oo cabsi xoogan ka qaba weerarada kaga imaanaya Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here