Ra’iisul wasaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa kulan soo dhoweyn ah u sameeyey Wafigii ka socday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Taliyaha hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, waxaana uu ka xog wareystay Xaaladda Soomaaliya.
Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay joogto marxalad aad u wanaagsan, isaggoo xusay in ay socdaan horumaro kala duwan oo dhinacyo badan leh.
Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa kulankaasi ku Casuumay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo dalka Jabuuti tababar ku siiya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana uu uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee mar walbo ay u garab taagan yihiin Somaliya, isaggoo siiyey Bilado abaal marin ah oo lagu dhiiri gelin ah.







