Faah-faahin:-Dil Caawa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho!!

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa ruux rayid ahaa waxa ay ku dileen Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal dilka ayaa ka dhacay maqaaxi ku taalla ka soo horjeedka Isbitaal lagu Magacaabo kulmiye oo ku yaalla degmada Boondheere.

Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cali,waxaan dhowr xabadood lagaga dhuftay qeybaha sare ee jirka wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta ka baxsaday,waxaan durbadiiba goobta soo gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka qorshaysan,isla maanta waxaa gudaha Suuqa bakaaraha lagu dilay mid kamid ahaa Ilaaladda Maamulka Degmadda Holwadaag.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here