Wararka Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso waqooyiga Mudug ayaa ku warama in halkaasi ay ku dhufteen daadad xoogan oo khasaare nafeed u geystay dadka deegaanka.
Roobab xoogan oo Daadad wata ayaa ku dhuftay deegaanka heemo ee waqooyiga mudug, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen laba wiil oo dhalin-yaro ahaa, kuwaa oo biyaha daadadka ay horay usii qaateen.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka dhalinyaraasi ay ula tageen daadadka, wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah uu ku dhacay meel mool aheyd, kadibna uu wiilkii kale isku dayay inuu ka saaro moolka saaxibkiis, balse uu ku dhacay wiilkii kale bohosha walina la la yahay dhalinyaradaasi.
Labada wiil ee daadadku ay la tageen ayaa la sheegay iney ku rideen dooxa mudug oo ay isugu imadaan dhamaan biyaha buuraha halkaasi ka soo shubma iyo kuwa daadadka ee deegaanka kasoo gadooma.
Macalin Bashiir oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in labada wiil maanta ay doonayeen iney u fariistaan imtixaan, balse qadarta alle ay la tageen daadad xoogan oo ku dhuftay deegaanka Heemo ee waqooyiga gobalka mudug, halkaasi oo labada wiil ay ku dhaqnayeen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in wali laga baadi goobayo dooxa dooxa mudug labada wiil ee maanta doonayay iney u fariistaan imtixaanka dugsiga sare, balse ay la tageen daadad xoogan.
Waxii kusoo kordha Baadi Goobka Dhalinyaradaasi Kala Soco Simbanews.com

