Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay laanta AfSoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ka badan 80% dadkii ku noolaa magaalada Baladweyne ay iminka ku sugan yihiin dhulka bannaanka ah ee magaalada ka baxsan ka dib markii biyihii daadku dhaliyeen ay ku soo rogmadeen guud ahaan magaalada ayna galeen guryahii.
“Magaaladda haatan waa laga soo baxay,fataahadii waliba xalay iyo habeen hore aad bay u soo xoog yeelatay roobabkiina way da’yaan, magaalada 80% waa laga soo baxay, dhinaca barina ilaa meesha la yiraahdo 115 ilaa Ceel Jaalle, halkaasaa dadku wada joogaan, dhinaca qoraxsinkana hadba meeshii ay joogto ilaa xaafaddaha meelaha roon roon ayaa lagu baxay, magaalada Baladweyne 100% waa laga baxay” ayuu yiri Mr Waare.
Sidoo kale madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare wuxuu sheegay in biyaha wabigu uu aad u sarreeyo, roobabkuna ay da’een
Waxaa sii kordhaysa saameynta iyo khasaaraha ka dhashay fatahaado iyo daadad xoogan ee ay sababeen roobabkii ka da’ay qaybo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan ee koonfurta dalka Soomaliya.
Dhanka kale Raisulwasaaraha Soomaaliya oo Xukuumadiisa ay arintaan ka jawaabaysay ayaa magacaabay Guddi arintaan wax ka qabta.
Gudiggan uu mudane Xasan Cali khere u saaray masiibadaasi ka taagan Magaalada Bladweyne ayaa ka kooban 22 xubnood, kuwaa soo isugu jiro Wasiiro ta tirsan Xukuumadda Soomaaliya , Xilidhinaanno iyo Bulshada Riyadka.

